Dagaallo iyo Qaraxyo Ka Dhacay Deegaan Dhanka Waqooyi Uga Beegan Degmada Mahadaay Sh/dhexe.

Sunday August 06, 2017 - 08:23:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo iyo Qaraxyo Ka Dhacay Deegaan Dhanka Waqooyi Uga Beegan Degmada Mahadaay Sh/dhexe.

    Dagaallo ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe kadib markii ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyaan maleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal ah ay duullaan ku qaadeen deegaano hoos yimaad degmada Mahadaay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe kadib markii ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyaan maleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal ah ay duullaan ku qaadeen deegaano hoos yimaad degmada Mahadaay.

Sidoo Kale cutubyo katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa qeyb ka ah duullaanka lagu qaaday deegaan dhanka waqooyiga uga beegan degmadaasi.

Wararka ka imaanaya deegaanka Cali-Fooldheere oo dhanka Waqooyi Uga beegan degmada Mahadaay ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ka dhaceen deegaanka oo 3 maalmood ka hor ay gaareen ciidamo Mareykan iyo AMISOM ah.

Saaka aroortii ayaa qaraxyo laga maqlay deegaanka waxaana xigay iska hor'imaad xooggan balse dadka deegaaka waxay sheegeen in maanta dhor mar leysku noq noqday oo dagaalladu ahaayeen kuwa saacado badan qaatay.


Maanta barqadii ayay dagaallo culus ku dhaxmareen ciidamada Al Shabaab iyo Huwanta dhulka howdka ah ee Kala Bara Cali-Fooldheere iyo Mahadaay, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 askari laga dilay ciidamada Burundi ee qeybta ka ah soo duulayaasha shisheeye.

 
Ciidamada Al Shabaab ayaa weerar dhabagal ah kala hortagay ciidamada huwanta ah, qof ku sugan Mahadaay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Huwanta ah oo dhimasho iyo dhaawac wata ay dib ugu laabteen Tuulada Cali-Fooldheere.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay Meydadka Askar uga carareen goobta dagaalka dhaawaca ciidanka cadowga gaaray ayaa lagu sheegay todobo askari , gelinkii dambe ee maalintii Jimcaha ayay deegaanka gaareen saraakiil Mareykan ah oo wata 4 gaari oo nuuca qafilan ah iyo Boqolaal ciidamo Afrikaan ah oo dusha sare ay ka waardiyaynayaan diyaarado dagaalka balse maanta ayay la kulmeen iska caabin adag.

Dhinaca kale maanta gelinkii dambe ayay dagaallo culus ka dhaceen duleedka Cali Fooldheere,warar madax banaan ayaa sheegaya in gaadiid gaashaaman laga gubay ciidamada Burundi islamarkaana dhimashadoodu gaartay 6 askari, balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhinacyada ku dagaallamaya waqooyiga Sh/dhexe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items