Weerar Gaari Looga Gubay Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Duleedka Mahadaay Sh/dhexe.

Monday August 07, 2017 - 19:11:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Gaari Looga Gubay Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Duleedka Mahadaay Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya deegaano katirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen gobolka kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada shisheeye iyo Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaano katirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen gobolka kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada shisheeye iyo Xarakada Al Shabaab.



Dagaallada oo ahaa kuwa culus ayaa maanta barqadii ka dhacay deegaanka Qurac Madoobe oo dhanka Bari uga beegan degmada Mahadaay, khasaara lixaad leh ayaa lasoo sheegayaa in ciidamada Burundi uu kasoo gaaray dagaalka.

Warar lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in gaari Xamuul ah ciidamada AMISOM looga gubay dagaalka oo ka dhacay dhulka Howdka ah ee ku teedsan deegaanka Qurac madoobe, jugta madaafiicda iyo saraas lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay deegaanno badan oo Sh/dhexe katirsan.

 

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa ciidamada huwanta ah la beegsaday gantaallada garbaha laga gemo waxaana jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada shisheeye.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay arkeen qiiic iyo uura Madoow oo cirka isku shareeray, ciidamada AMISOM ayaa gaariga xamuulka ah ee laga gubay uga tagay deegaanka Qurac Madoobe, kolonyo gaadiidka ah ee weerarku ku qabsaday duleedka Mahadaay ayaa amba baxay tuulada Cali Fooldheere waxayna kusii jeedeen isla degmada Mahadaay.

Sidaan oo kale weeraro gaadiid looga gubay ciidamada shisheeye ayaa shalay dhowr jeer ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items