Ogeysiis iyo Cudur Daar Ku Socda Akhristayaasha Shabakadda SomaliMeMo Saacadihii Aan Hawada Ka Maqneyn.

Tuesday August 08, 2017 - 19:56:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ogeysiis iyo Cudur Daar Ku Socda Akhristayaasha Shabakadda SomaliMeMo Saacadihii Aan Hawada Ka Maqneyn.

    Dhammaan Akhristayaasha Shabakadda Islaamiga SomaliMeMo waxaan ka raalli gelinaynaa kala go'ii yaraa ee ku yimid howshii warbaahineed ee aan u heynay bulshada Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhammaan Akhristayaasha Shabakadda Islaamiga SomaliMeMo waxaan ka raalli gelinaynaa kala go'ii yaraa ee ku yimid howshii warbaahineed ee aan u heynay bulshada Soomaaliyeed.

48-dii Saacadood ee lasoo dhaafay wax war ah lagusoo daabicin Somalimemo.net arrinkaasi oo saameyn ku yeeshay akhristayaasha, waxaan umahad celinaynaa tobanaan Email oo aan ka helnay dadka nasoo booqda kuwaasi oo walaac ka muujinayay maqnaashiyaha shabakadda dadkaasi waxaan niyadda ugu dajinaynaa in wax dhib ah jirin.

Sidoo kale Wariyaashii wararka kasoo dira magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya iyana waa ku mahadsanyihiin xiriirka ay nalasoo sameeyeen waxaana leenahay sii laba laaba dadaalkiina.


Waxaa kale oo aan umahad celinaynaa Akhristayaashii baraha bulshada shabakadda ku taageerayay ee faafinayay xogaha la xiriira maqnaashiyaha SomaliMeMo.

Hadda waxaa si caadi ah u shaqeynayay Website-yada rasmiga ah ee kala ah somalimemo.net iyo somalimemo24.com

Mar walba SomaliMeMo Runta ayay la nooshahay waana sii wadi doontaa u adeegidda bulshada Soomaaliyeed xilligan xasaasiga ah ee dalku marayo wax walba oo ay nagu qaadato insha'allaah.

Fadlan Akhriste hadaad cillad dareento nagalasoo xiriir.

Emailka [email protected]

Related Items