Melleteriga Mareykanka iyo Suudaan Oo Ka Shiray Arrimaha Dalka Soomaaliya.

Thursday August 10, 2017 - 10:39:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Mareykanka iyo Suudaan Oo Ka Shiray Arrimaha Dalka Soomaaliya.

    Magaalada Alkhurduum ee caasimadda wadanka Suudaan waxaa shalay ka dhacay kulan ballaaran oo dowladaha Mareykanka iyo Suudaan uga arrinsanayeen xaaladaha dalalka Liibiya iyo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Alkhurduum ee caasimadda wadanka Suudaan waxaa shalay ka dhacay kulan ballaaran oo dowladaha Mareykanka iyo Suudaan uga arrinsanayeen xaaladaha dalalka Liibiya iyo Soomaaliya.

Kulanka oo ay isugu yimideen taliyaasha ciidamada Mareykanka iyo Suudaan ayaa ahaa midkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah waxaana la sheegay in lagu gorfeeyay dagaallada ka socda wadamada Liibiya iyo Soomaaliya sida lagu sheegay warsaxaafadeed lagasoo saaray gaba gabadii kulanka.

Cumar Xasan Al Bashiir Hoggaamiyaha Suudaan ayaa la sheegay in uu qaban qaabada kulanka wax ka ogaa sida ay faafiyeen wargeysyada ugu caansan wadankaasi.


 

Jeneraal Cimaadudiin Cadwi oo ah taliyaha ciidamada wadajirka Dowladda Suudaan ayaa warbaahinta u sheegay in shirka ay laqaateen saraakiisha Taliska ciidanka Mareykanka qaarada Afrika diiradda lagu saaray sidii laysaga kaashan lahaa ladagaalanka jamaacaadka islaamiga ah ee Liibiya iyo Soomaaliya balse faah faahin dheeri ah kama bixin qaabka ay isaga kaashanayaan.


رئيس هيئة الأركان المشتركة للجيش السوداني عماد الدين عدوي يتحدث إلى وسائل الإعلام بعد اجتماعه مع مسؤولين أميركيين (الجزيرة)
Jeneraal Alexander Laskares oo kamid ah taliyaasha Ciidanka Mareykanka AFRICOM oo shir Jaraa’id ku qabtay ku qabtay magaalada Khurduum ayaa yiri "Fadhi dheer oo guul ah ayaan wada qaadanay saaxiibadeena Suudaan waxaan isla fahamnay cilaaqaadka dhanka melleteriga ah ee naga dhaxeeya waxaana islasoo qaadnay xaaladaha Liibiya iyo Soomaaliya”.

Dowladda Suudaan oo khilaaf dhanka siyaasadda ah kala dhaxeeyo Mareykanka ayaa sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay wadday taageero dhanka amniga ah oo Mareykanka kasiinaysay ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada waxaana socda qorshe ladoonayo in Hay’adda CIA-da Mareykanka ay xarun weyn uga furatao Suudaan xaruntaas oo noqonaysa midda kaliya ee Washington ku leedahay bariga qaaradda Afrika.

Iskusoo dhawaashiyahan ay Mareykanka iyo Suudaan ka sameynayaan arrimaha Liibiya iyo Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Donald Trump uu dib ucusboonaysiiyay cunaqabateyntii dhanka dhaqaalaha ee Mareykanku kusoo roga Suudaan 1998.


Isha Warka: Aljazeera.net

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items