Melleteriga Turkiga Oo isku Diyaarinaya Howlgal Ka Dhan Ah Maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya.

Wednesday August 09, 2017 - 11:06:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Turkiga Oo isku Diyaarinaya Howlgal Ka Dhan Ah Maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya.

    Dowladda Turkiga ayaa isku diyaarinaysa in howlgal melleteri oo aad uballaaran ay markale ku qaaddo waqooyiga wadanka Suuriya halkaas oo ay ku suganyihiin maleeshiyaad Kurdiyiin gooni ugoosad ah oo xiriir wanaagsan laleh dowladda Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga ayaa isku diyaarinaysa in howlgal melleteri oo aad uballaaran ay markale ku qaaddo waqooyiga wadanka Suuriya halkaas oo ay ku suganyihiin maleeshiyaad Kurdiyiin gooni ugoosad ah oo xiriir wanaagsan laleh dowladda Mareykanka.



Saraakiil katirsan Melleteriga Turkiga ayaa wargeys maxalli ah u sheegay in heer gaba gaba ah uu marayo olole melleteri oo Turkigu ka fuliyo magaalooyin katirsan gobolka Xalab.

Jariiradda Yani Shafaq ee ku dhow xukuumadda ayaa faafisay warbixin sheegaysa in ladiyaariyay awood ciidan oo dhan 25-kun oo askari, ciidamada ayaa duullaan ballaaran ku qaadi doono magaalooyin ay kamid yihiin Cafriin,Ceynul Carab,Manbaj iyo Talal abyad oo dhammaantood ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta YPG.

 

Warbixinadu waxay sheegayaan in howlgalka "Gaashaanka Furtaat2" ay ka qeyb geli doonaan 17-kun oo dagaalyanno Suuriyaan ah kuwaas oo dowladda Turkiga ay dhaqaale iyo taageero melleteri siiso.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in haddii Turkigu uu ku dhiirado qaadidda weerarkan uu kala shaki soo kala dhax geli doono Washington iyo Ankara islamarkaana hakad uu ku imaan doono duullaanka maleeshiyaadka calmaaniyiinta Kurdiyiinta ay ku qaadeen magaalada Raqqa ee Suuriya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items