Sarkaal Katirsanaa Taliska Booliska Gobolka Bari Oo Boosaaso Lagu Dilay.

Wednesday August 09, 2017 - 11:06:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Taliska Booliska Gobolka Bari Oo Boosaaso Lagu Dilay.

    Rag hubeysan ayaa magaalada Boosaaso ku dilay Mas'uul sare oo katirsanaa taliska Booliska maamulka isku magacaabay 'Puntland' ee kajira waqooyi Bari dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa magaalada Boosaaso ku dilay Mas'uul sare oo katirsanaa taliska Booliska maamulka isku magacaabay 'Puntland' ee kajira waqooyi Bari dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Bari waxay sheegayaan in xoogag bastoolado ku hubeysan ay maanta barqadii bartamaha magaalada Boosaaso ku dileen Col. Cabdi Cali Muuse oo ku magac dheeraa "Cabdi Dheere”.

Sarkaalka ladilay ayaa ahaa taliye ku xigeenkii qeybta booliska magaalada Boosaaso, ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in sarkaalka ladilay uu galaangal ku lahaa laamaha ammaanka gobolka Bari.


Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarka sida ay faafisay warbaahinta taageerta xarakada, xalay ayay aheyd markii sidaan oo kale Boosaaso loogu dilay mid kamida ciidamada sirdoonka maamulka ‘Puntland’.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items