6 Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Wednesday August 09, 2017 - 11:06:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    6 Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

    Khasaara xooggan ayaa lagusoo waramayaa in uu ka dhashay weeraro culus oo lagu qaaday saldhig maleeshiyaad katirsan maamulka Axmed Madoobe ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa lagusoo waramayaa in uu ka dhashay weeraro culus oo lagu qaaday saldhig maleeshiyaad katirsan maamulka Axmed Madoobe ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.



Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe weeraro loo adeegsaday madaafiic lagu qaaday saldhig ay dhowaan maleeshiyaadka maamulka ‘Jubbaland’ ka sameysteen deegaanka Buula Guduud oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegay in duqeynta oo haleeshay isku imaatin ciidan ay ku dhinteen 6 askari islamarkaana ku gubteen teendhooyin dhowr ah oo ciidamada ugu dhisnaa Buulo Gudud kadib markii madaafiicdu haleeshay.


 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaadiid ka baxay saaka deegaanka Buula Guduud uu dhanka magaalada Kismaayo udaabulay Meydad iyo dhaawacyo, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Axmed Madoobe oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay duqeynta Buulo Guduud.


 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items