Railla Odinga Oo Qaadacay Qaabka loo Tirinayo Codadka Doorashadii Kenya.

Wednesday August 09, 2017 - 11:06:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Railla Odinga Oo Qaadacay Qaabka loo Tirinayo Codadka Doorashadii Kenya.

    Wadanka Kenya waxaa wali socda tirinta codadkii ladhiibtay ee doorashooyinkii shalay ka dhacay waxaana laga cabsi qabaa in rabshado ay hareeyaan dhammaan magaalooyinka wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Kenya waxaa wali socda tirinta codadkii ladhiibtay ee doorashooyinkii shalay ka dhacay waxaana laga cabsi qabaa in rabshado ay hareeyaan dhammaan magaalooyinka wadankaasi.



Guddiga doorashooyinka ayaa soo bandhigay natiijo horudhac ah oo muujinaysa in madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta uu illaa iyo hadda u horreeyo codadka latiriyay, laakin waxaa arrinkaasi kasoo horjeestay kooxaha mucaaradka ah.

Railla odinga Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in uusan ku qanacsanayn qaabka ay wax usocdaan wuxuuna ku eedeeyay Uhuru xisbigiisa in ay ku shubanayaan codadka.

 

isagoo hadlayay ayuu si cad usheegay in musuq maasuq daran uu jiro islamarkaana magaalooyinka qaar codadka iyadoo aan latirin isgaarsiinta lajaray islamarkaana codad buugaag lagu diiwaan geliyay lalaalay oo aanba latirin kadibna natiijadoodi lagu dhawaaqay.

Rabashado dhiig ku daato ayaa lafilan karaa in Kenya ay lugaha lagasho marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada saacadaha soo socda, wararka hordhac ah waxay sheegayaan in uhuuru uu helay 55% halka Odinga uu helay 44% balse waxaa socota tirinta codadka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items