Gacan Yaraha Farmaajo Oo Amar Ku Bixiyay in Wasiirrada iyo Xildhibanada Deggan Madaxtooyada 14 Maalmood Gudahood Uga Guuraan.

Thursday August 10, 2017 - 11:46:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gacan Yaraha Farmaajo Oo Amar Ku Bixiyay in Wasiirrada iyo Xildhibanada Deggan Madaxtooyada 14 Maalmood Gudahood Uga Guuraan.

    Khilaaf ka dhashay amar kasoo baxay agaasimaha madaxtooyada Villa Somalia ayaa ka dhax taagan Farmaajo iyo qaar katirsan wasiirrada iyo siyaasiyiin gacan saarka laleh dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf ka dhashay amar kasoo baxay agaasimaha madaxtooyada Villa Somalia ayaa ka dhax taagan Farmaajo iyo qaar katirsan wasiirrada iyo siyaasiyiin gacan saarka laleh dowladda Federaalka.



Ilo wareeydo ayaa sheegaya in dhowr wasaaradood iyo xildhibaanno katirsan Baarlamaanka DF-ka ay cabasho ugudbiyeen Farmaajo taasi oo ku aaddan in xilligan aysan awoodin in ay ka guuraan dhismayaal ay ka degganyihiin madaxtooyada iyo hareeraheeda.

Guux ayaa durbadiiba ka dhashay amar kasoo baxay agaasimaha madaxtooyada Ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin , wareegto qoraal ah ayaa faraysa dadka degaan dhismaha weyn ee Madaxtooyada inay kaga guuraan muddo 14 maalmood ah.



Dadka in ay guuraan lafaray ayaa isugu jiro wasiirro,Xildhibaanno iyo siyaasiyiin xil sugayaal ah oo qaab ammaan gabbaad uga dhigtay madaxtooyada maadaama magaalada inteeda kale ay ka socdaal dilal iyo qaraxyo.

Fahad Yaasiin ayaa ku andacoonaya in dayactir ballaaran lagu sameyn doono Villa Somalia balse warqadda amarka ah kuma qorna in wasiirrada iyo xildhibaanada ay guryahooda dib ugusoo laaban doonaan haddii dayactirku dhammaado waana arrinta shakiga badan keentay.

Warqaddan uu ku saxiixnaa Agaasime Fahad Yaasiin ayuu ku wargeliyay wasiirrada iyo xildhibaanada in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku guuraan islamarkaana ay raadsadaan meelo kale oo ay deegaansadaan arrinkaas oo ah mush-kiladda ugu adage ee Farmaajo hortaal.

Wareegtadan ayaa Faraysa Taliyaha ilaalada Madaxtooyada iyo Abaanduulaha Ilaalada ay gutaan shaqadooda ayna xil iska saaraan fulinta iyo dhaqan gelinta amarka marka ay dhamaato mudada 14-ka maalmood ee loo qabtay.

Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa sheegaya in amarka kasoo baxay Xafiiska Farmaajo uu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay islamarkaana dayactir sidaas uweyn aan lagu sameyn doonin madaxtooyada.

Farmaajo ayaa bilihii lasoo dhaafay waday isku shaandheyn uu ku sameynayay shaqaalaha xafiiskiisa isagoona dadaal ugu jiray in uu soo dhaweysto shakhsiyaad ay qurba joog isla ahaayeen.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items