Faah Faahin: Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Wadada Makkaa Al-Mukarrama Lagula Beegsaday Ciidamo Katirsan DF-ka.

Thursday August 10, 2017 - 20:30:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Wadada Makkaa Al-Mukarrama Lagula Beegsaday Ciidamo Katirsan DF-ka.

    Jugta qarax xooggan ayaa caawa maqriib laga maqlay degmooyinka dhaca dhanka Koonfureed ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qarax xooggan ayaa caawa maqriib laga maqlay degmooyinka dhaca dhanka Koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qarax aad u xooggan uu ka dhacay afaafka hore  ee  xarunta Laanta Socdaalka ee isla wadada Makka oo halbowle u ah isku socodka gaadiidka ay isticmaalaan madaxda DF-ka.

Qaraxa  oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa lala eegtay laba baabuur Cabdi Bilayaal ah oo ay wateen ciidamada doowladda Federaalka Soomaaliya ee loogu magac daray 'Xasilinta Caasimadda'.


War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxu uu beegsaday ciidamo xilligaasi ku socdaalayay wadada Makka Al-Mukarrama islamarkaana khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay.

Sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha qaraxu wuxuu ka dhashay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo wadada loogu diyaariyay kolonyo gaadiid ah.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli wasaaradda Amniga DF-ka ay sheegtay in ay sugtay amniga magaalada caasimadda ah waxaana muuqata iyo xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay nabadeyn la'dahay wadada Makka oo ah meesha kaliya oo ay isku aaminaan madaxda dowladda iyo dadka la shaqeeya shisheeyaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items