Saraakiil Katirsanaa Ciidamka Liyuu Booliska Itoobiya Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

Thursday August 10, 2017 - 20:04:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Katirsanaa Ciidamka Liyuu Booliska Itoobiya Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday deegaan xuduud beenaadka kulaala oo ay ku sugnaayeen Ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday deegaan xuduud beenaadka kulaala oo ay ku sugnaayeen Ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya.


Weerar gaadma ah oo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Maroodile oo u dhaxeeya Beled Weyne iyo Farlibaax ayaa lagu dilay ugu yaraan laba sarkaal oo katirsanaa ciidamada loo yaqaan Liyuu Booliska ee dowladda Itoobiya tababartay.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in howlgalka Maroodile lagu dilay Col,Adan Qurjuf iyo sarkaal kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in tobaneeyo katirsan ciidanka Liyuu Booliska loo yaqaan ay isaga firxadeen deegaanka intii uu dagaalku socday.


Weerar bishii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Farlibaax oo 45 KM magaalada Beled Weyne balse dowladda Itoobiya ay hoos geysay maamulka degmada Mutaxiil ayaa lagu dilay saraakiil Liyuu Boolis ah iyadoona Al Shabaab ay gaadiid dagaal kusoo qabsatay weerarkaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items