Dagaallo Dib Ugasoo Cusboonaaday Gudaha Itoobiya iyo Dowladda Mareykanka Oo Digniin Ujeedisay Muwaadiniinteeda.

Thursday August 10, 2017 - 21:11:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Dib Ugasoo Cusboonaaday Gudaha Itoobiya iyo Dowladda Mareykanka Oo Digniin Ujeedisay Muwaadiniinteeda.

    Dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa gobollo iyo magaalooyin katirsan wadanka Itoobiya, dagaallada ugu daran waxay ka socdaan inta u dhaxaysa magaalooyinka Harar iyo Babile.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya waxaa ka socda Kacdoon shacbi
Dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa gobollo iyo magaalooyin katirsan wadanka Itoobiya, dagaallada ugu daran waxay ka socdaan inta u dhaxaysa magaalooyinka Harar iyo Babile.


Ragga mucaaradka ah ayaa baraha internetka ku faafiyay warar sheegaya in gaadiid gaashaaman iyo diyaaradaha qumaatiga ukaca ay dagaalka ka qeyb qaadanayaan.

Duleedka magaalada Addis Ababa ayaa gelinkii dambe ee maalintii Arbacada laga maqlay madaafiic iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayo.

Gobollada Oromiya iyo Amhara ayaa ah meelaha ugu daran ee dagaalladu ka socdaan, dhinac magaalooyinka Harar iyo Babile wadada isku xirta waxaa la sheegay in iska hor'imaadyo xooggan ay ka socdaan islamarkaana kumanaan katirsan ciidanka Melleteriga lagu daadiyay.


isgaarsiinta ayaa go'an inta badan gobollada ay ka socdaan dagaallad u dhaxeeya mucaaradka iyo ciidamada Nidaamka Addis Ababa.

Magaalooyinka BaharDar iyo Gondor oo ay ku badanyihiin dagaalyahana Amxaarada ayaa duqeymo dhanka cirka ah kala kulmay melleteriga Itoobiya.

Jabhadda Jimboot7 ee Mucaaradka ah waxay barteeda Facebook-ga ku sheegtay in ciidamadeedu ay dagaallo culus uga jiraan dhammaan gobollada Amxaaradu degto iyadoona dowladda Itoobiya ku eedaysay in ay geysanayso Xasuuq safmareen ah waxayna Q.Midoobe iyo Midowga Yurub ugu baaqday in ay kula xisaabtamaan tacadiyadda ay geysanayso.

Itoobiya kama jirto warbaahin xur ah oo soo gudbin karta dhacdooyinka xaqiiqda ah ee sida maalin laha ah uga dhacaya gudaha wadankaasi, jimcihii lasoo dhaafay Baarlamaanka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in laqaaday xaaladdii degdegga aheyd ee wadanka la saaray bishii October 2016 xilligaas oo ay kacdoono rabshado wata wadanka gilgileen.

 Dowladda Mareykanka oo Ka digtay dagaallada dib ugasoo cusboonaaday Itoobiya.

War rasmi ah oo kasoo baxay safaaradda dowlada Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in dhammaan muwaadiniinta American-ka ah looga digay in ay ku safraan gobollada Itoobiya ee dagaallada culus ka socdaan.

War qoraal ah oo lagu baahiyay Website-ka safaaradda Mareykanka ee internetka ayaa lagu sheegay in dagaallo ay ka socdaan wadada xiriirisa magaalooyinka Harar iyo Babile islamarkaana muwaadiniinta looga digayo in dhanka dhulka ay isaga kala gooshaan goobaha dagaalladu ka socdaan.

Sidoo kale dowladda Mareykanka waxay muwaadiniinteeda uga digtay isticmaalka waddooyinka xiriiriya magaalooyinka Addis Ababa iyo Jigjiga.
Warka kasoo baxay safaaradda USA ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo sidaas daraadeedna loo baahanyahay taxaddar.

 Hoos ka Akhri warka kasoo baxay safaaradda USA ee Addis Ababa


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items