Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Ka Dhacay Xabsiga Dhexe Ee Xamar.

Friday August 11, 2017 - 13:28:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Ka Dhacay Xabsiga Dhexe Ee Xamar.

    Qarax aad u xooggan ayaa goordhow lala beegsaday isku imaatin ay saraakiil katirsan Dowladda Federaalka ku sugnaayeen gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax aad u xooggan ayaa goordhow lala beegsaday isku imaatin ay saraakiil katirsan Dowladda Federaalka ku sugnaayeen gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar.


Jugta qaraxa ayaa la maqlay maanta duhurkii waxaana la sheegay in labeegsaday taliyaha ciidamada ilaalada Xabsiyada Jeneraal Xuseen Xasan Cismaan sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in weerar qorshaysan ay ku qaadday isku imaatin ay ku sugnaayeen saraakiisha ugu sarraysa sirdoonka iyo melleteriga DF-ka


Al Shabaab waxay si hordhac ah u sheegtay in ay beegsatay saraakiil ay si aad ah u doon doonaysay balse faah faahin dheeri ah kama bixin khasaaraha ka dhashay qaraxa.

wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'allaah

Related Items