Rabshado Ka Bilaawday Wadanka Kenya Kadib Guushii Uu Doorashada Ka Gaaray Uhuru Kenyatta.

Saturday August 12, 2017 - 08:58:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rabshado Ka Bilaawday Wadanka Kenya Kadib Guushii Uu Doorashada Ka Gaaray Uhuru Kenyatta.

    Kadib markii guddigga doorashooyinka madaxa banaan ee wadanka Kenya uu ku dhawaaqay Natiijadii kasoo baxday doorashadii madaxtinimada wadankaas ayay rabshado bilaabeen taageerayaasha mucaaradka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii guddigga doorashooyinka madaxa banaan ee wadanka Kenya uu ku dhawaaqay Natiijadii kasoo baxday doorashadii madaxtinimada wadankaas ayay rabshado bilaabeen taageerayaasha mucaaradka.


Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in kumanaan qof ay isugusoo baxeen magaalooyinka Nairobi iyo Kasumu oo ay ku xoogganyihiin taageerayaasha Raila Odinga.

Waddooyinka magaalada Kasumo waxaa lagu gooyay Taayeerro waxayna dadku ku qeylinayeen erayo ka dhan ah madaxweynaha Kenya.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in 54% codadkii ladhiibtay uu helay Uhuru Kenyatta halka hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii ladhiibtay.


Dhinaca kale dabaal degyo ayaa ka bilaawday magaalooyinka ay ku badanyihiin taageerayaasha Uhuru Kenyatta, magaalooyinka Gaarisa iyo Mombasa waxaa ka socda rabshado u dhaxeeya mucaaradka iyo ciidamada Booliska.

Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay wax isdaba marin sameeyeen balse kor joogtada ka socota waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa eedaymahaas beeniyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items