Saraakiil Miina Baarayaal Itoobiyaan Ah oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Gobolka Baay.

Saturday August 12, 2017 - 09:09:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Miina Baarayaal Itoobiyaan Ah oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Gobolka Baay.

    Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaano katirsan gobolka Bay Askar iyo saraakiil Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay qarax xooggan oo lala beegsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaano katirsan gobolka Bay Askar iyo saraakiil Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay qarax xooggan oo lala beegsaday.



Wararka ka imaanaya duleedka degmada Diinsoor ayaa sheegaya in saraakiil Itoobiyaan ah ay ku dhinteen qarax khubaro miinabaarayaal ah lagula eegtay wadada hareeraheeda sida uu soo sheegay wariye ku sugan gobolka Baay.

Ciidamada Itoobiyaanka ee la dilay oo tiradoodu gaareyso illaa iyo 4 Askari waxaa ku jira Saraakiil Miina baarayaal ah kuwaas oo isku dayay in ay kala furfuraan Miino lagu aasay hareerah wadada.



Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan kadibna ciidamada Itoobiya ayaa madaafiic iyo rasaas u riday dhulka howdka ah ee ku hareeraysan wadada qaraxa lagula beegsaday.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in 4-ta itoobiyaanka ah ee dhimatay 3 kamid ah yihiin saraakiil khubaro miina baarayaal ah oo melleteriga u sahmin jiray waddooyinka xilliyada ay sahayda isku gudbinayaan.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay ciidamada Itoobiya dhaq dhaqaaqyo melleteri oo ay sahay isugu gudbinayaan ka bilaabeen inta badan magaalooyinka gobollada Bay iyo Bakool ee gacanta cadowga kujira.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items