Jawaasiis U Shaqeynayay Maamulka 'Jubbaland' Oo Lagu Dilay Degmada Jamaame.

Saturday August 12, 2017 - 12:07:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Jawaasiis U Shaqeynayay Maamulka 'Jubbaland' Oo Lagu Dilay Degmada Jamaame.

    Fagaara kuyaal degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay Rag jawaasiis ah oo gacanta lagusoo dhigay iyagoo ubasaasaya dhinacyo cadaw ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore Buundada degmada Jamaame oo Burbursan.
Fagaara kuyaal degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay Rag jawaasiis ah oo gacanta lagusoo dhigay iyagoo ubasaasaya dhinacyo cadaw ah.

Wararka ka imaanaya Jamaame ayaa xaqiijinaya in maxkamadda islaamiga wilaayada Jubbooyinka ay xukun dil ah ku ridday illaa iyo 2 qof oo lagusoo eedeeyay in ay falal basaasnimo ah ku guda jireen.


Qaadiga Maxkamadda islaamiga oo xukunka goobta fagaaraha ah ka akhriyay ayaa sheegay in ragga jawaasiista ah ay ukala shaqeynayeen maamulka Axmed Madoobe Federaalka ee gumeystaha la shaqeeya gaar ahaan dowladda Kenya ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaadday Soomaaliya.



Magacyada Jawaasiista ladilay

1-Ibraahim Abuukar Farxaan oo Da,diisu tahay 27 Sano jir.
2-Siidii Axmed Muxamed Maadey oo da,diisu tahay 26 Sano Jir.

Xarakada Al Shabaab ayaa ku goodisay in gacan bir ah ay ku qabanayso kooxaha jawaasiista ah ee diyaaradaha Mareykanka ku haya saraakiisha hoggaaminaysa jihaadka dalka ka socda.

Ma ahan markii ugu horraysay oo gobollada Jubbooyinka lagu dilo kooxo Jawaasiis ah oo la shaqeynayay dowlado shisheeye balse waa markii ugu horraysay oo degmada jamaame goob fagaara ah lagu toogto jawaasiis katirsanaa maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay ee uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items