Mas'uul Katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir Oo Lagu Dilay Waqooyiga Muqdisho.

Saturday August 12, 2017 - 18:09:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir Oo Lagu Dilay Waqooyiga Muqdisho.

    Maanta duhurkii ayay xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab waqooyiga magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa dowladda Hoose ee gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta duhurkii ayay xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab waqooyiga magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa dowladda Hoose ee gobolka Banaadir.

Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogteen Nin sarkaal ahaa oo magaciisa lagusoo gaabiyay Shaafici kaasi oo ahaa madaxii Canshuur uruurinta maamulka gobolka Banaadir ee degmada Huriwaa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay horay usii qaateen qori AK47 ah oo uu watay sarkaalka ladilay.

Shaafici ayaa caan ku ahaa in ganacsatada suuqyada ganacsiga degmada Huriwaa uu si qasab ah uga qaado lacago loogu magac daray Canshuurta, muddo Afar sanadood xiriir ah ayuu xilkan canshuur aruurinta ah u haayay maamulka gobolka Banaadir.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items