Faah Faahin: Abuu Mansuur oo isku dhiibay Ciidamada Itoobiya iyo dowladda Federaalka.

Sunday August 13, 2017 - 10:32:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 5 3
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Abuu Mansuur oo isku dhiibay Ciidamada Itoobiya iyo dowladda Federaalka.

    War nagasoo gaaray gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu isku dhiibay ciidamada Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War nagasoo gaaray gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu isku dhiibay ciidamada Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinaya in Abuu Mansuur oo ay la socdaan 7 kamid ah ilaaladiisa ay hadda ku suganyihiin xarunta degmada Xudur halkaas oo uu kulamo kula leeyahay saraakiil ka socota AMISOM iyo dowladda Federaalka.

Wasiirka G/dhigga iyo saraakiil katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ayaa la xaqiijiyay in Abuu Mansuur kasoo gelbiyeen dhanka deegaanka Abal oo qiyaastii 20KM ujira magaalada Xudur.


Sheekh Abu Mansuur oo mar soo noqday Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Al Mujaahidiin ayaa Xarakada ka tegay muddo hadda laga joogo ku dhawaad lix sanadood ka hor, wuxuuna wixii xilligaas ka dambeeyay ku noolaa deegaanka Abal ee Wilaayada Baay iyo Bakool, isagoo halkaas ku haystay ilaalo kooban maadaama uu ku jiray dadka ay Maraykanku doondoonayaan.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa jiray ismaandhaaf soo kala dhexgalay Abu Mansuur iyo Wilaayada Islaamiga ah, waxaana xigtay in dagaallo ay ka dheceen deegaanka Abal, halkaas oo ay Abu Mansuur ay gurmad ugusoo sameeyeen maleeshiyada maamulka isku magacaabay koonfur gallbeed.

Ugu dambeyntii maanta ayuu Abu Mansuur iska dhiibay Degmada Xudur, waxaana halkaas soo dhaweyn ugu sameeyay saraakiisha ciidamada Soomaalida iyo kuwa Itoobiya ee degmada xoogga ku haysta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items