Mid Kamida Saraakiisha Liyuu Booliska Itoobiya Oo Lagu Dilay Xuduudda Hiiraan iyo Somaligalbeed.

Sunday August 13, 2017 - 12:40:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Saraakiisha Liyuu Booliska Itoobiya Oo Lagu Dilay Xuduudda Hiiraan iyo Somaligalbeed.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo shalay ka dhacay deegaan kaabiga ku haaya xad beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo dhulka Soomaalida Itoobiya gumeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo shalay ka dhacay deegaan kaabiga ku haaya xad beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo dhulka Soomaalida Itoobiya gumeysato.

Weerarka oo ahaa mid gaadma ah waxaa lagu beegsaday mid kamida saraakiisha ciidamada Liyuu Booliska loo yaqaan ee dowladda itoobiya taabacsan.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay dileen Col.Pakistan Max’med Timajilac oo kamid ahaa saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Liyuu Booliska Itoobiya ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya.

Timajilac ayaa lagu dilay wadada xiriirisa magaalada Beled Weyne iyo deegaanka Farlibaax, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ciidamada dilka geystay ay horay usii kaxaysteen gaari Dayna ah oo uu watay sarkaalka ladilay.


Timajilac ayaa caan ku ahaa in Liyuu Booliska Itoobiya uu ku hoggaamiyo deegaanada xuduud beenaadka ku teedsan halkaasi oo ay ka geysan jireen dilal iyo raaf ka dhan ah shacabka soomaalida.

Maalmihii lasoo dhaafay Al Shabaab ayaa ugaarsi ku heysay maleeshiyaadka soomaalidu utaqaan daba qoodhiga ee dowladda Itoobiya uqaabilsan ilaalinta xuduud beenaadka ah, dhowr mar ayay Al Shabaab weeraro ku qaadeen Farlibaax iyo Feerfeer oo dhammaantood laga maamulo degmada Mustaxiil.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items