Raila Odinga Oo Taageerayaashiisa Ugu Baaqay Shaqa Joojin Hal Maalin Ah.

Sunday August 13, 2017 - 15:53:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raila Odinga Oo Taageerayaashiisa Ugu Baaqay Shaqa Joojin Hal Maalin Ah.

    Khudbad Kulul oo uu taageeriyaashiisa ujeediyay hoggaamiyaha mucaaradka wadanka Kenya Raila Odinga ayuu ku sheegay in mowqifkiisa kama dambeysta ah ku dhawaaqi doono maalinta talaadada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khudbad Kulul oo uu taageeriyaashiisa ujeediyay hoggaamiyaha mucaaradka wadanka Kenya Raila Odinga ayuu ku sheegay in mowqifkiisa kama dambeysta ah ku dhawaaqi doono maalinta talaadada.

Odinga ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa in berri aysan aadin goobaha ganacsiga oo guryahooda ay ku nagaadaan arrinkaas oo loo fasirtay in talaadada uu iclaamin doono kacdoon ka dhan ah xukuumadda uu madaxda ka yahay Uhu Kenyatta.

isagoo tobanaan kun oo kamid ah taageerayaashiisa kula hadlayay magaalada Nairobi ayuu ka gaabsaday in uu wax badan ka sheego qaabkii ay u dhacday doorahashadii madaxtinimada Kenya wuxuuna booqday qaar katirsan dadkii ku dhaawacmay rabshada ka socda qeybo badan oo katirsan Kenya.



Dhinaca kale wadanka qeybo badan oo katirsan wadanka Kenya waxaa wali kasii socda rabashadada dhiigga badan ku daadanaya, warsaxaafadeed uu soo saaray guddiga xuquuqul insaanka uqaabilsan Kenya ayuu ku sheegay in 24 qof ay ku dhinteen rabashada hareeyay doorashada Kenya.

Guddiga ayaa ku eedeeyay ciidamada booliska in ay xakameynta rabshadaha u adeegsadeen awood xad dhaaf ah sida gaadiid gaashaaman iyo rasaas nool nool taas oo sare uqaadday khasaaraha dhimashada ee dadka shacabka ah soo gaartay.

Saraakiil katirsan Booliska Kenya ayaa dhankooda xaqiijiyay in ciidamo katirsan Booliska ay ku dhinteen rabshadaha oo badankood ka dhacay magaalooyinka Kasuma iyo Nairobi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items