Mukhtaar Rooboow Oo loo Gelbiyay Xarumaha Dowladda Federaalka Ee Magaalada Muqdisho.

Sunday August 13, 2017 - 21:01:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mukhtaar Rooboow Oo loo Gelbiyay Xarumaha Dowladda Federaalka Ee Magaalada Muqdisho.

    Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa caawa maqribkii soo gaaray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho saacado kadib markii uu isku dhiibay ciidamada Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa caawa maqribkii soo gaaray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho saacado kadib markii uu isku dhiibay ciidamada Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed isku magacaabay.

Abuu Mansuur oo diyaarad gaar ah loogasoo qaaday degmada Xudur ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho qeybta Afisyooni waxaana aad loo adkeeyay ammaanka garoonka xilligii uu Abuu Mansuur soo degayay.

Boqolaal katirsan ciidamada AMISOM iyo kuwa Sirdoonka Dowladda Federaalka ayaa xiray qaar katirsan waddooyinka mara degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab xiligaasi oo gaadiid qafilan lagusoo gelbiyay Abuu Mansuur iyo raggii la socday.


Cabdi Rashiid Cabdullaahi Wasirka G/dhigga iyo Shiine Macalim Nuuroow ayaa kamid ahaa mas’uuliyiintii Abuu Mansuur usoo gelbiyay magaalada Muqdisho.

Wariye ku sugan Meel aan la fogeyn Madaxtooyada Villa Somalia ayaa SomaliMeMo u sheegay in gaadiidkii gelbinayay Abuu Mansuur ay gaareen mid kamida xarumaha Nabad sugidda DF-ka halkaas oo ay ku suganyihiin saraakiil caddaan iyo Soomaali ah kuwaasi oo codsaday in ay qaabileen Mukhtaar Rooboow inta aan loo wareejin dhanka Villa Somalia halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Federaalka ayaa soo dhoweyn iyo maamuus heer sare ah oo aan lafilayn usameysay Sheekh Mukhtaar Rooboow arrinkaas oo dad badan fajac ku riday, wasiirka ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa goor sii horraysay warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay taageero u fidiyeen Abuu Mansuur.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Xudur waxay sheegayaan in maanta duhurkii ay ciidamada Itoobiya isku dhiibeen tobaneeyo maleeshiyaad ah oo daacad u ahaa Abuu Mansuur kuwaas oo qeyb ka ahaa heshiis dhaxmaray saraakiisha Itoobiya iyo Abuu Mansuur in ciidamadaasi lasoo dhoweeyo.

Guddoomiyaha gobolka Bay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Abuu Mansuur ee isisoo dhiibay hubkii ay wateen laga dhigay islamarkaana loo diyaarinayo in lamarsiiyo qodobadii lagu heshiiyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items