18 Qof Reergalbeed Ah oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Wadanka Burkino Faso.

Monday August 14, 2017 - 11:34:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    18 Qof Reergalbeed Ah oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Wadanka Burkino Faso.

    Tobaneeyo qof reer galbeed ah ayaa ku dhintay weerar hubeysan oo ka dhacay magaalada Wagaduugo ee wadanka Burkina Faso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo qof reer galbeed ah ayaa ku dhintay weerar hubeysan oo ka dhacay magaalada Wagaduugo ee wadanka Burkina Faso.



Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar lagu beegsaday maqaaxi ay ka cunteeyaan dadka reergalbeedka ah oo kutaal wadanka Burkina Faaso ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka dhaca Qaaradda Afrika ee Burkina Faaso, weerar culus ayaa lagu qaaday hotel ay degaan Dalxiisayaal ka kala yimid daafaha Caalamka oo u badan muwaadiniin Reer galbeed ah, kaas oo ku yaala caasimadda wadankaas ee Ouagadougou.



Mid kamid ah Shaqaalaha hotelka oo Warbaahinta la hadlay wuxuu tibaaxay in saddex Ruux oo hubeysan ay kasoo degeen gaari ay wateen, durbadiina ay rasaas ku bilaabeen dad ku shaaheynayay afaafka hore ee hotelka.

Daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamo katirsan Booliiska dowladda Burkina Faaso, kuwaas oo dagaal la galay raggii soo weeraray hotelka.

Ugu yaraan 18 Ruux ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen weerarkan, kuwaas oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan oo caalamka katirsan.

Dadka dhintay ayaa kasoo kala jeeda wadamo dhowr ah oo ubadan reergalbeed sida wadamada Faransiiska,Biljamka iyo Britainia sida ay sheegeen saraakiisha booliska wadanka Burkino Faso.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, balse waxaa xusid mudan in dalkan ay ka dhacaan howlgallo ay fuliyaan faraca Alqaacida ee Maqribul Islaam.

Bishii January sanadkii 2016 ayay ahayd markii rag hubeysan ay weerar kusoo qaadeen hotel iyo Maqaaxi ku yaala wadanka Burkina Faaso, halkaas oo ay ku dilene 30 Ruux, kuna dhaawaceen 70 kale, kuwaas oo badankood kasoo jeeday wadamada Reer galbeedka iyo kuwa Gaalada.

 

Related Items