Weerar Bambaano Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ku Sugan Galbeedka Magaalada Beled Weyne.

Monday August 14, 2017 - 12:18:30 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Bambaano Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ku Sugan Galbeedka Magaalada Beled Weyne.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan Dowladda Federaalka shisheeye kalkaalka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan Dowladda Federaalka shisheeye kalkaalka ah.



Xoogag hubeysan ayaa weerar loo adeegsaday Bambaanooyin ku qaaday isbaaro ay maleeshiyaadka maamulka HirShabelle ku lahaayeen dacalka galbeed ee magaalada Beled Weyne xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarka oo loo adeegsaday Bamaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa lagu qaaday jigdooyo maleeshiyaadka utiillay xaafadda Horseed ee galbeedka Beled Weyne, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo is xigxigay kadibna ciidamada la weeraray ayaa rasaas furay.



Wararka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan hal Askari uu ku dhaawacmay qaraxyada lagu weeraray xaafadda Horseed, ma ahan markii ugu horraysay oo weerar khasaara lagu gaarsiiyo ciidamada DF-ka uu ka dhaco magaalada Beled Weyne.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items