Kulamo Lagu Xadidayo Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Abuu Mansuur Oo Ka Socda Villa Somalia [Warbixin].

Monday August 14, 2017 - 13:00:03 in Wararka by
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kulamo Lagu Xadidayo Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Abuu Mansuur Oo Ka Socda Villa Somalia [Warbixin].

    Maalin kadib markii uu maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamada Xabashida Itoobiya isku dhiibay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Xarakada Al Shabaab ayay bilaawdeen kulamo ku aaddan sida laga yeelayo wadaadkan isdhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin kadib markii uu maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamada Xabashida Itoobiya isku dhiibay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Xarakada Al Shabaab ayay bilaawdeen kulamo ku aaddan sida laga yeelayo wadaadkan isdhiibay.

Kulamo lagu sheegay Xasaasi ayaa mas'uuliyiinta ugu sarraysa dowladda Federaalka iyo Shariif Sakiin uga socda madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulamada oo lagu sheegay xasaasi lagu go'aamin doono mustaqbalka siyaasadeed ee Abuu Mansuur waxaana lafilayaa in marka kulamadu soo idlaadaan uu warbaahinta la hadlo Abuu Mansuur kaasi oo caddeyn doono Mowqifkiisa ku aaddan Halganka Jihaadka ah ee dalka Soomaaliya ka socda.


Shariif Sakiin iyo Cabdi Rashiid Cabdullaahi Wasiirka G/dhigga DF-ka oo mas'uul ka ahaa soo xera gelinta Abuu Mansuur ayaa la sheegay in Farmaajo iyo Kheyre Cadaadis ku saarayaan sidii loo fulin lahaa dhammaan qodobadii ay kulasoo heshiiyeen Abuu Mansuur intii uu ku sugnaa deegaanka Abal ee duleedka magaalada Xudur.

Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in saraakiil katirsan Dowladda Mareykanka ay qeyb ka yihiin kullamada ka socda madaxtooyada waxayna madaxda DF-ka ku cadaadinayaan in Abuu Mansuur xaaladdiisa si qota dheer loo eego loogana faa'iideysto dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada.

Dhinaca kale Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa xalay markii ugu horraysay ku hoyday magaalada Muqdisho 6 sanadood kadib oo uu ka maqnaa magaalada caasimadda ah, sanaddii 2011 ayay aheyd markii uu Abuu Mansuur ka baxay Muqdisho xilligaas oo Xarakadii uu katirsanaa ee Al Shabaab awoodeeda ciidan iyo maamul ay kala baxday gobolka Banaadir.

Wararku waxay sheegayaan in Abuu Mansuur ladajiyay xarunta Sirdoonka DF-ka ee loo yaqaan Habar Khadiijo wuxuuna halkaasi kula kulmay saraakiil sarsare oo katirsan sirdoonka sida Sanbaloolshe iyo ku xigeenkiisa.

Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in Abuu Mansuur uu warbaahinta kasoo muuqdo islamarkaana uu caddeeyo mowqifkiisa iyo waxa uu uqaban doono dhinacyada uu isku dhiibay.

Sheekh Abu Mansuur oo mar soo noqday Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Al Mujaahidiin ayaa Xarakada ka tegay muddo hadda laga joogo ku dhawaad lix sanadood ka hor, wuxuuna wixii xilligaas ka dambeeyay ku noolaa deegaanka Abal ee Wilaayada Baay iyo Bakool, isagoo halkaas ku haystay ilaalo kooban maadaama uu ku jiray dadka ay Maraykanku doondoonayaan.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa jiray ismaandhaaf soo kala dhexgalay Abu Mansuur iyo Wilaayada Islaamiga ah, waxaana xigtay in dagaallo ay ka dheceen deegaanka Abal, halkaas oo ay Abu Mansuur ay gurmad ugusoo sameeyeen maleeshiyada maamulka isku magacaabay koonfur gallbeed, ugu dambeyntiina shalay ayuu iska dhiibay magaalada Xudur oo ay gumeysi ku heystaan ciidamada Xabashida Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items