Baarlamaanka HirShabelle Oo Eryay Cali Cabdullaahi Cosoble.

Monday August 14, 2017 - 18:02:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka HirShabelle Oo Eryay Cali Cabdullaahi Cosoble.

    Kadib kulan ay isugu yimideen xildhibaanada Baarlamaanka maamulka isku magacaabay HirShabelle ayay xilkii madaxweynanino uga xayuubiyeen Cali Cabdullaahi Cosoble.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan ay isugu yimideen xildhibaanada Baarlamaanka maamulka isku magacaabay HirShabelle ayay xilkii madaxweynanino uga xayuubiyeen Cali Cabdullaahi Cosoble.

Fadhigga ay yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dhacay magaalada Jowhar ayaa ahaa mid qorsheysan oo ay soo qaban qaabiyeen mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka HirShabelle Canab Ciise ayaa warbaahinta u sheegtay in 68 Xildhibaan ay u codeeyeen xilka qaadista lagu sameeyay madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle.


Xildhibaanada kulanka ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa si KMG ah madaxweyne ugu doorte Guudlaawe oo horay usoo noqday guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ee dowladda Federaalka.

Shalay ayay iscasileen 10 wasiir oo maamulka katirsan kuwaasi oo hoggaamiyaha HirShabelle ku eedeeyay in uusan waxba qaban 10-kii bilood ee uu xilka haayay islamarkaana uu diiday in magaalada Jowhar uu ku shaqeeyo.

Khilaafkan hareeyay maamulkan maqaar saarka ah ee Xasan Gurguurte dhisay daba yaaqadii sanaddii lasoo dhaafay ayaa waji gaba ku noqonaya Max’med Cabdullaahi Farmaajo waxaana xusid mudan in mas’uuliyiin katirsan DF-ka ay ku lug leeyihiin kala daadinta HirShabelle.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items