Abuu Mansuur "Waxaan Umahad Celinayaa Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka" [Sawirro].

Tuesday August 15, 2017 - 13:29:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Abuu Mansuur "Waxaan Umahad Celinayaa Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka" [Sawirro].

    Hotelka Royal Palace (EX City Palace) ee magaalada Muqdisho waxaa maanta Shir Jaraa'id ku qabtay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmo ka hor isku dhiibay dowladad Federaalka iyo saraakiisha Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hotelka Royal Palace (EX City Palace) ee magaalada Muqdisho waxaa maanta Shir Jaraa'id ku qabtay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmo ka hor isku dhiibay dowladad Federaalka iyo saraakiisha Xabashida Itoobiya.

Abuu Mansuur oo shirkiisa Jaraa’id  uga hadlay arrimo dhowr ah ayaa u Mahad celinayo wax uu ugu yeeray Beesha Caalamka, Dowladda Federaalka iyo Taliska Sirdoonka maamulka Farmaajo oo uu ammaan ballaaran ujeediyay.

Goobta uu Shirka Jaraa’id ku qabtay Mukhtaar Rooboow ayaa lagu xardhay Calanka Buluugga ah ee ay isticmaasho DF-ka iyadoona ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Wariyaal ayaa soo sheegay in Abuu Mansuur lagu gelbinayay gaadiidka aan xabaddu karin oo ay isticmaalaan madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka gaar ahaan saraakiisha sirdoonka.


Ugu Horrayn Mukhtaar Rooboow ayaa sheegay in uusan ka mid aheyn Xarakada oo uu ka baxay 5 sanadood iyo todobo bilood ka hor, isagoo xaqiijiyay in uu marti uyahay dowladda Federaalka wuxuuna ka shanqariyay wadahadal u socda isaga iyo maamulka Villa Somalia wuxuuna rajeeyay in wadahadalkaas uu dhankiisa wanaag ugusoo dhammaan doono.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items