Maamulka Puntland Oo Sheegay in Uu la saftay isbahaysiga Sacuudiga iyo imaaraatka Ee Go'doomiyay Dowlada Qadar.

Wednesday August 16, 2017 - 18:26:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Sheegay in Uu la saftay isbahaysiga Sacuudiga iyo imaaraatka Ee Go'doomiyay Dowlada Qadar.

    Maamulka isku magacaabay Puntland ee fadhigiisu yahay magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay in uu xiriirkii siyaasadeed iyo midkii dhaqaale ujaray dowlada Qadar ee qeybta ka ah dowladaha Khaliijka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Puntland ee fadhigiisu yahay magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay in uu xiriirkii siyaasadeed iyo midkii dhaqaale ujaray dowlada Qadar ee qeybta ka ah dowladaha Khaliijka.

‘Punland’ waxay sheegtay in aysan dhax dhaxaad ka noqon Karin dhibaatada ka dhax aloosan dowladaha Gacanka islamarkaana ay lasafantahay isbahaysiga ay Hoggaaminayaan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta.

Warsaxaafadeed ku qornaa luqadda English-ka oo kasoo baxay xafiiska Cabdi Wali Gaas ayaa lagu sheegay in xiriir soo jireen dhanka ganacsiga iyo amniga ah uu kala dhaxeeyo Sacuudiga iyo imaaraatka sidaas daraadeed ay jartay xiriirkii Qadar.


Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in dib u eegis ay ku sameyso go’aankii ay horay uga qaadatay khilaafka dowladaha Khaliijka u dhaxeeya islamarkaana ay jarto cilaaqaadka Qadar.

Tallaabadan uu qaatay maamulka Puntland ayaa banaanka soo dhigeysa in DF-ka aysan wada maamulin dalka Soomaaliya islamarkaan maamul goboleedyada shisheeyaha la shaqeeya ay yihiin kuwa madax banaan oo aan hoos tagin Villa Somalia.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items