Mas'uul Katirsanaa Maamulka HirShabelle Oo Lagu Dilay Duleedka Degmada Mahadaay.

Wednesday August 16, 2017 - 18:55:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Katirsanaa Maamulka HirShabelle Oo Lagu Dilay Duleedka Degmada Mahadaay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in weerar ka dhacay duleedka degmada Mahadaay lagu dilay mid kamida saraakiisha maamulka isku magacaabay HirShabelle ee gacan saarka laleh ciidamada shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in weerar ka dhacay duleedka degmada Mahadaay lagu dilay mid kamida saraakiisha maamulka isku magacaabay HirShabelle ee gacan saarka laleh ciidamada shisheeye.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in xoogaga katirsan Al Shabaab ay duleedka deegaanka Buurane ku dileen Xasan Aweys oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Shaan ee maamulka Hirshabelle.

Xoogaga dilka geystay ayaa horay usii qaatay Mooto uu watay guddoomiyaha deegaanka ee ladilay, war kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda dilka Xasan Aweys sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus.


Guddoomiye Xasan Aweys ayaa muddo sanada ah wada shaqeyn lalahaa maamulladii kala duwanaa ee Sh/dhexe soo maray balse sanadadii lasoo dhaafay ayuu si toos ah ula shaqeynayay taliska ciidamada AMISOM ee deegaanka Buurane.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items