Dowladda Hindiya oo Dib u celineysa Qaxooti Muslimiin ah.

Thursday August 17, 2017 - 11:07:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Hindiya oo Dib u celineysa Qaxooti Muslimiin ah.

    Dowladda Wadanka Hindiya ayaa sheegtay inay dooneyso inay dib u celiso ku dhawaad 40 kun oo ka tirsan Qaxootiga kasoo jeeda Muslimiinta Rohingiya oo ku nool dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Wadanka Hindiya ayaa sheegtay inay dooneyso inay dib u celiso ku dhawaad 40 kun oo ka tirsan Qaxootiga kasoo jeeda Muslimiinta Rohingiya oo ku nool dalkaasi.


Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha ee Dowladda Hindiya Keereen Riijiijo ayaa Baarlamaanka u sheegay in dowladda dhexe ay ku amartay Maamulayaasha gobollada inay soo tira koobaan Qaxootiga kasoo jeeda Muslimiinta Rohingiya, si Wadanka looga tarxiilo.

Hey’adaha sheegta inay u doodaan Xuquuqda insaanka ayaa sheegaya in Kumanaan Qaxooti ah oo kasoo baxsaday gumaadka lagu hayo Muslimiinta ku nool dalka Baarma inay hadda ku nool yihiin dalka Hindiya, iyadoo go’aankani uu saameynayo xun ku yeelanayo dadkaasi Qaxootiga ah.


Hey’adaha dhanka qaxootiga qaabilsan ayaa ka digay saameynta uu yeelan doono go’aankani ay soo rogtay Dowladda Hindiya, waxayna sheegeen in haddii Qaxootiga Muslimiinta ah ee Rohingiya dib dalkooda loogu celiyo inay taasi khatar ku yeelaneyso naftooda, maadama ay weli taagan tahay dhibaatada ay dalkooda uga soo carareen.

Laakiin Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha ee dowladda Hindiya ayaa sheegay in dowladdiisu aysan ka mid aheyn dowladaha saxiixay waxa loogu yeero heshiiska Qaxootiga, sidaas darteedna ay xaq u leeyihiin inay dalkaasi ay ka saaraan Kumanaanka Qaxootiga ah ee Muslimiinta ee kasoo baxsaday Jaxiimada Buudiyiinta maamula dalka Baarma ama Mayanmaar.

Sanadihii lasoo dhaafay Malaayiin Muslimiin ah oo Qowmiyadda Rohingiya u dhashay, kana soo cararay dalka Barma ayaa qaxooti ahaan waxay ku galaan Waddamo ay ka mid yihiin Hindiya iyo Bangaladesh, halkaas oo ay ku heystaan duruufo adag oo dhanka nolasha ah.

Xigasho:Amiir.com

Related Items