Farmaajo Oo Sheegay in Uu Amray Xasuuqii Dadka Shacabka Ah Loogu Geystay Degmada Kamsuuma.

Thursday August 17, 2017 - 15:04:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Sheegay in Uu Amray Xasuuqii Dadka Shacabka Ah Loogu Geystay Degmada Kamsuuma.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku faantay xasuuq ay diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ay xalay ka geysteen deegaan hoos yimaad magaalada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo iyo Taliyaha AFRICOM
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku faantay xasuuq ay diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ay xalay ka geysteen deegaan hoos yimaad magaalada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta DF-ka ayaa lagu sheegay in Max’med Cabdullaahi Farmaajo uu lahaa amarka lagu dilay 7 qof oo isku qoys ah balse ay ku sheegeen in ay ahaayeen saraakiil Al Shabaab ah.

"Ciidamadeenu waxay dileen toddoba ka tirsan xoogagga Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye sare oo mas’uul ka ahaa qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Maamulka Farmaajo.


Si aan gambasho laheyn ayay dowladda Federaalka ugu faantay xasuuqii ka dhanka ahaa qoyska reer Axmed Yare ee ka dhacay isla tuulada Axmed Yare oo u dhaxeysa magaalooyinka Jilib iyo Kamsuuma oo ka kala tirsan gobollada Jubbada dhexe iyo Jubbada Hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items