Sawirro+Codad: Shacabkii Ciidamada Mareykanka Ay Ku Xasuuqeen Duleedka Degmada Kamsuuma Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Thursday August 17, 2017 - 19:13:57 in Wararka by
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Codad: Shacabkii Ciidamada Mareykanka Ay Ku Xasuuqeen Duleedka Degmada Kamsuuma Ee Gobolka Jubbada Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Xasuuq daran oo ciidamo Mareykan ah ay ka geysteen deegaan kala qeybiya degmooyinka Jilib iyo Kambuusa ee Gobollada Jubbooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Xasuuq daran oo ciidamo Mareykan ah ay ka geysteen deegaan kala qeybiya degmooyinka Jilib iyo Kambuusa ee Gobollada Jubbooyinka.



Sida ay SomaliMeMo u xaqiijiyeen dadka deegaanka Xalay Fiidkii ayay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan waxay dhowr gantaal ku dhufteen Tuulada Sheekh Axmed Yare oo ay tuulo qiyaastii 25 KM ujirta degmada Jilib waxaana duqeyntaasi ka dhashay khasaara xooggan oo dad shacab ah soo gaaray.

Duqenta Kadib ciidamo Mareykan ah oo diyaarado ku socday ayaa dhulka kusoo degay waxayna bilaabeen in ay toogtaan dadkii Rayidka ah ee ka badbaaday duqeyntii ay geysteen diyaaradaha Drone-ka.



Sawirro goobta lagasoo qaaday ayaa Muujinaya Meydad dad hal qoys ah oo gabi ahaan kuwada dhintay duqeynta diyaaradaha Mareykanka, Meydadka qaar ayaa jirkooda waxaa ka muuqday rasaas taas oo macnaheedu yahay in madaxa iyo wadnaha laga wada toogtay, majirto cid ka badbaaday xasuuqan oo ka sheekayn karta wixii halkaasi ka dhacay.

Tuulada Sheekh Axmed Yare waa deegaan Yar waxaana looga magac daray isla Sheekh Axmed Yare oo isaga iyo qoyskiisa halkaas lagu xasuuqay.

Halkan ka dhageyso Ehelka qoyska lalaayay oo Warbaahinta uga warramay xasuuqii dhacay MP3

FG: Waxaan Akhristayaasha Uga Cudur daaranaynaa in aanan soo gudbin karin sawirrada Meydadka qaar oo Argagax leh sababa la xiriira Jirkooda oo si xun ugu gubtay duqeynta

















Related Items