Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Dad Kenyaan Ah Lagu Laayay oo Lamu Ka Dhacay.

Friday August 18, 2017 - 17:28:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Dad Kenyaan Ah Lagu Laayay oo Lamu Ka Dhacay.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Lamu ee ku teedsan xeebaha wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

gobolka Lamu waxaa ka dhacay weeraro soo noq-noqday
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Lamu ee ku teedsan xeebaha wadanka Kenya.

Ugu yaraan 5 kenyaan ah ayaa lagu dilay weerar xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Maleli oo katirsan gobolka Lamu.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid qorshaysan lagu beegsaday dadka Kirishtaanka Kenyaanka ah ee lagu deegaameeyay gobolka Lamu.

Al Shabaab waxay xaqiijisay in 8 guri oo dad Kenyaan ah deganaayeen lagu gubay weerarka islamarkaana la waxyeeleeyay gaadiid yiillay gudaha deegaanka Maleli.


Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa faafisay in waxyeella xooggan ay dadka deegaanka kasoo gaartay weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Maleli islamarkaana ay bilaawdeen Mowjado Barakac ah oo ay samenayaan dadka Kenyaanka ah.

Waa weerarkii 2-aad ee ka dhaca gudaha Kenya tan iyo markii Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashooyinkii madaxtinimada dalka Kenya.

Ma ahan markii ugu horraysay oo weerar dhiig badan ku daato uu ka dhaco gudaha wadanka Kenya, Al Shabaab ayaa bilihii dambe sare u qaadday weeraradeeda Kenya tan iyo markii melleteriga Kenya uu ka qeyb qaatay duullaanka ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho

[email protected]

Related Items