Weeraro Ka Dhacay Degmooyinka Buula Burde iyo Mahadaay ee Bartamaha Soomaaliya.

Saturday August 19, 2017 - 11:21:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Ka Dhacay Degmooyinka Buula Burde iyo Mahadaay ee Bartamaha Soomaaliya.

    Iska hor'imaadyo xooggan ayaa lagasoo sheegayaa gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa lagasoo sheegayaa gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya degmada Buula Burde ee ku teedsan wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Beled Weyne ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay ku dhaxmareen maleeshiyaadka Jabuuti iyo xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab.


Dagaal muddo saacada ah socday ayaa la sheegay in uu ka dhacay saldhigyo ciidamada Jabuuti ku leeyihiin agagaarka Buundada magaalada Buula Burde, goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga Al Shabaab ay muddo saacada ah ku sugnaayeen xaafado katirsan magaalada waloow markii dambe ay dib uga gurrteen.



Dhinaca kale qarax ayaa xalay degmada Mahadaay lagula beegsaday ciidamo katirsan DF-ka, 6 askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in markii qaraxu dhacay kadib magaalada lagusoo daadiyay ciidamo farabadan kuwaas oo Rasaas ku furay xaafado katirsan degmada Mahadaay ee Sh/dhexe balse lamasoo sheegin khasaaro shacabka kasoo gaaray rasaastii ay ciidamadu fureen.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items