Sacuudiga Oo Saraakiil Melleteri Looga Dilay Dagaalka Ka Socda Waqooyiga Dalka Yemen.

Saturday August 19, 2017 - 12:32:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga Oo Saraakiil Melleteri Looga Dilay Dagaalka Ka Socda Waqooyiga Dalka Yemen.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada Dowlada Sacuudiga kasoo gaaray dagaalka Afar sana jirsaday ee ka socda wadanka Yemen ee dhulka Jaziiradda carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ciidamada Dowlada Sacuudiga kasoo gaaray dagaalka Afar sana jirsaday ee ka socda wadanka Yemen ee dhulka Jaziiradda carabta.



Wararka ka imaanaya gobolka Sacdah ee wadanka Yemen ayaa sheegaya in weerar ka dhacay deegaanno kulaala xuduud beenaadka lagu dilay askari iyo sarkaal sare oo katirsanaa melleteriga Sacuudiga.

Sida ay faafisay wakaaladda Wararka ufaafisa Sacuudiga weerar gaadma ah ayaa lagu dilay sarkaal iyo askari waxaana weerarkaas looga shakisanyahay in ay geysteen maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta Yemen.


Saraakiisha ladilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdi Maalik Max’med Alshitawi iyo Maxamed Bin Cali Al-Masheykhi oo katirsanaa ciidamada ilaalada xuduudaha, warbaahinta sacuudiga waxay sheegeen in la fashiliyay dhowr gantaal oo Xuuthiyiintu urideen dhanka magaalooyinka Jiddah iyo Riyaad.

isbahaysiga Sacuudiga iyo imaaraatka Carabta hoggaaminayaan ayaa ku fashilmay duullaanka ka dhanka ah isbaheysiga Xuuthiyiinta iyo Cali Cabdalla Saalix, duqeymo kumanaan shacab Yemeniyiin ah lagu laayay ayuu ku lug lahaaday isbahaysiga dowladaha carbeed ee Yemen duullaanka ku qaaday isagoo gabaad ka dhiganaya ladagaalanka taageerayaasha iiraan ee Mandiqadda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items