Akhri: Dowladda Federaalka Oo Taageertay Xilka Qaadistii Cali Cabdullaahi Cosoble Doorasho Cusubna Ku Baaqday.

Sunday August 20, 2017 - 13:33:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri: Dowladda Federaalka Oo Taageertay Xilka Qaadistii Cali Cabdullaahi Cosoble Doorasho Cusubna Ku Baaqday.

    Sidii lawada filayay dowladda Federaalka ayaa taageertay xilka qaadistii dhawaan lagu sameeyay hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidii lawada filayay dowladda Federaalka ayaa taageertay xilka qaadistii dhawaan lagu sameeyay hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Cabdi Faarax Saciid Juxa oo ah wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ay taageereen go’aankii xildhibaanada Baarlamaanka ‘HirShabelle’ ay xilka uga xayuubiyeen Cali Cabdullaahi Cosoble.

DF-ka oo markii hore hoos ka hurinaysay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Jowhar ayaa ku baaqday in 30 maalmood gudahood la qabto doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabelle waxaana doorashada gelaya siyaasiyiin kasoo jeeda Bariga magaalada Beled Weyne.


Tallaabadan ay qaadatay DF-ka ayaa lafilayaa in ay cirka kusii shareerto khilaafka u dhaxeeya Cosoble iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda magaalada Jowhar, khamiistii lasoo dhaafay ayuu Cosoble magacaabay gobol loogu magac daray Shabeellaha sare tallaabadaas oo uga gaashaamanayay mowqifka dowladda Farmaajo ee khilaafka.

Hoos Ka Akhri Bayaankii DF-ka ay ku taageertay xil ka qaadista Cosoble


Related Items