Cosoble "Aniga Ayaa Ah Madaxweynaha Sharciga Ah Ee Maamulka HirShabelle".

Monday August 21, 2017 - 11:05:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Cosoble "Aniga Ayaa Ah Madaxweynaha Sharciga Ah Ee Maamulka HirShabelle".

    Maamulka HirShabelle ayaa kasoo horjeestay go'aankii kasoo baxay dowladda Federaalka ee lagu taageeray xilka qaadistii lagu sameeyey Cali Cabdullaahi Cosoble madaxweynaha maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka HirShabelle ayaa kasoo horjeestay go'aankii kasoo baxay dowladda Federaalka ee lagu taageeray xilka qaadistii lagu sameeyey Cali Cabdullaahi Cosoble madaxweynaha maamulkaasi.

isagoo wareysi siinayay idaaadda BBC-da  laanta Afka soomaaliga ayuu Cosoble sheegay in wali uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka .
"Aniga ayaa ah madaxweynaha sharciga ah ee HirShabelle warka dowladda kasoo baxay waa sharci darro” ayuu yiro Cosoble.

Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle ayaa ku eedeeyay R/wasaare Xasan Cali Kheyre in uu mas’uul ka yahay khilaafka dhanka siyaasadeed ee ragaadiyay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.


Cosoble ayaa ku eedeeyay dowlada Federaalka in qaab beeleed ay u afduubatay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle kuwaasi oo lagu qasbay in ay codka kalsoonida kala laabtaan madaxweynaha islamarkaana hub loogu handaday gudaha Jowhar.

Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa bayaan uu shalay soo saaray ku sheegay in ay taageereen xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Cabdullaahi Cosoble waxayna dowladda Federaalka ku baaqday in 30 maalmood gudahood laqabto doorasho madaxweyne.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items