Sawirro: Qorrax Madoobaad Aan Nuuciisa Oo Kale Ku Dhawaad Boqol Sanadood dhicin oo Lagu Arkay Wadanka Mareykanka.

Monday August 21, 2017 - 21:30:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Qorrax Madoobaad Aan Nuuciisa Oo Kale Ku Dhawaad Boqol Sanadood dhicin oo Lagu Arkay Wadanka Mareykanka.

    Qeybo badan oo katirsan magaalooyinka wadanka Mareykanka waxaa kajira qorrax Madoobaad saameyn ku yeeshay malaayiin qof.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qeybo badan oo katirsan magaalooyinka wadanka Mareykanka waxaa kajira qorrax Madoobaad saameyn ku yeeshay malaayiin qof.


Wadanka Mareykanka waxaa goordhow laga dareemay qorrax madoobaad lawada filayay oo bilihii lasoo dhaafay ay warbaahinta wadankaasi hadal heystay.

qorraxda ayaa madoobaatay gobollada Oregon iyo South Carolina, dadka muslimiinta ah ayaa masaajidda kuyaacay si ay utukadaan salaadda sunnada ah ee xilliyada qooraxdu madoobaato  halka kuwa Kirishtaanka ah ay ku mashquulsanyihiin sawir qaadid iyo diirad saarid ku aaddan dhaq dhaqaaqa qorraxda.


Wakaaladda NASA ee dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in qorrax madoobaadkan uu saameyn doono 49 gobol oo kamid ah 50-ka gobol ee dalweynaha Mareykanka ka koobanyahay.

Waxaa la sheegayaa in meelaha qaar qorraxdu si kaamil ah u madoobaatay iyadoo larajeynayo in qorrax madoobaadkan uu saameeyay dhammaan gobollada dalka Mareykanka ka koobanyahay.

kuwa bartay cilmi falagga waxay leeyihiin waa markii ugu horraysay oo qorrax madoobaad noocaan ah ka dhaco adduunka 99 sanadood kadib.






https://pbs.twimg.com/media/DHxTE5MVoAEh4Km.jpg


Related Items