Weerar Khasaara Dhaliyay Oo Lagu Qaaday Gobol Dhaca Bartamaha Wadanka Kenya.

Tuesday August 22, 2017 - 08:51:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara Dhaliyay Oo Lagu Qaaday Gobol Dhaca Bartamaha Wadanka Kenya.

    Xilli Ciidamada Cirka dowladda Kenya ay bilaabeen duqeymo ka dhan ah xoola dhaqatada ku dhaqan dhulka Keymaha Boni ayay weeraro hor leh ka dhaceen bartamaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli Ciidamada Cirka dowladda Kenya ay bilaabeen duqeymo ka dhan ah xoola dhaqatada ku dhaqan dhulka Keymaha Boni ayay weeraro hor leh ka dhaceen bartamaha wadankaasi.



Ciidamada Al Shabaab ayaa Shalay Weerar Xoogan Ku qaaday Deegaan Lagu magacaabo Gaamba ee Katirsan Gobalka Taanariifa una dhow Gobalka Laamuu ee Kenya Gumeysato .

Xoogaga Al Shabaab Waxa ay Weerareen Xarun Kamid Ah Xurumaha Dowladda Kenya Ku leedahaya Deegaankaasi ,gaar Ahaan Shirkada Korontada oo koranta siin jirtay Deegaankaasi Iyo Deegaano kale oo hoos yimaada.



Wararka ka imaanaya Deegaankasi ayaa Sheegaya in illaa Hadda korontada ay ka maqan tahay deegaankii la weeraray .

Dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in Dhismayaal Dowladda Kenya ay leedahay lagu burburiyay Weerarka .

Dhanka Kale Ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa cirka ayaa Bilaabay in ay duqeemo ka geysanayaan dhulka Keymaha gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Booni halkaasi oo ay ku dhaqn yihiin xoola dhaqato .

Sarkaalka Hogaaminaya Ciidanka Kenya ee deeganadaasi Duqeeyay oo Lagu Magacaabo Jowsaf kayeeni ayaa qiray in ay jiraan duqeymaha isgoona sheegay in Dadka xoolaha dhaqatada ah ee ku dhaqan Deegannada La duqeeyay in gacan saar la leeyihiin Mujaahidiinta al shabaab.

Sidoo kele wuxuu sheegay sarkaalkasi in 48 saacadood gudahood dadka xoola dhaqatada ay kaga guuraan deegaanka ciddii ka dhaga Adeygtana awaamiirtaas ay beegsanayaan.

Sidoo kale War Ka soo baxaya Dowlada Kenya ayaa Loogu baaqay Dadka Nasaarada Ah ee Ka soo Cararay Gobalka Laamu in ay ku suganaadaan Xeryaha Qaxooti ay Dowalada Kenya dajisay inta laga sugayo Amaankooda.

Dadkaan Kirishtaanka ah Ayaa Wax ay Ka soo carareyn Howlgalada Al Shabaab ee ka dhanka dowladda Kenya , Barakacayaasha ayaa gaaraya 1000 qoys waxayna ku kala firirsan yihiin xeryaha qaxootiga deegaanada Kala Ah jiima boromooko bandaguwa kakaathi maliini niyon garooma oo u dhow deegaanka wiitoow

Related Items