Taliban "Afghanistan Waxay Noqon doontaa Qabuuraha Mareykanka".

Wednesday August 23, 2017 - 10:53:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban "Afghanistan Waxay Noqon doontaa Qabuuraha Mareykanka".

    War rasmi ah oo kasoo baxay imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa loogu jawaabay go'aankii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ciidamo dheeri ah ugu diray wadanka Afghanistan islamarkaana uu bedelay istiraatiijiyaddiisi dagaalka ee wadankaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa loogu jawaabay go'aankii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ciidamo dheeri ah ugu diray wadanka Afghanistan islamarkaana uu bedelay istiraatiijiyaddiisi dagaalka ee wadankaasi.



Sheekh Daabixullaahi Mujaahidiin Afhayeenka Taliban ayaa war uu soo saaray ku sheegay in go’aanka cusub ee Mareykanku qaatay uu dhiig baxa kusii dheereyn karo ciidamada American-ka ah ee dagaalka uga jira Afghanistan.

"go’aanka cusub ee Mareykanku ku qaatay sii wadidda dagaalka daba dheeraaday ee Afghanistan waa mid axmaqnimo ah oo khasaaraha kusii kordhinaya ciidanka Muxtalliinta ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliban.



Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid wuxuu carabaabay in shacabka Afghanistan iyo Mujaahidiinta ay sii wadayaan dagaalka ayna ka guuleysan doonaan America iyo xulufadeeda "shacabka muslimka Afghanistan kama daalin dagaalka jihaadka ah waa sii wadayaa halganka inta dalka ay isaga cararayaan muxtalliinta..madaxda mareykankana waa kusoo jiidi doonaan aqbalidda xaqaa’iqda Afqan ka taagan” ayuu yiri Afhayeenka Taliban.

Xarakada Taliban waxay sheegaysaa in aysan waxba u arkin go’aanka Trump ayna sii wadayaan dagaalka inta askariga ugu dambeeya ee Mareykanka ah isaga baxayo Afghanistan iyadoo rajaysay in Afghanistan ay isku bedeli doonto xabaalaha Mareykanka.

Donald Trump ayaa Khudbad uu jeediyay habeen hore wuxuu ku sheegay in uu dardar gelin doono dagaalka wadanka Afghanistan islamarkaana uu 4,000 Askari dheeri ah uu ku xoojin doono dagaalka lagula jiro xarakada Taliban.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items