Dad Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Mahadaay.

Thursday August 24, 2017 - 11:17:37 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Mahadaay.

    Ugu yaraan Afar ruux ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha dhexe ee duleedka Waqooyi Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan Afar ruux ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha dhexe ee duleedka Waqooyi Magaalada Muqdisho.



Wararka laga helayo degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi ka dhacay shil gaari oo sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nooca Xamuulka ah,waxeyna dadka deegaanka xaqiijiyeen in gaariga xilligii uu rogmanayay xowli ku socday.

Inta la xaqiijiyay shilkaasi gaari waxaa ku dhintay ku dhawaad Afar ruux tiro kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhaawacyadooda loo qaaday dhanka degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.



Inta badan shilalka gaari ee soo laab laabto ayaa sabab looga dhigayaa burburka waddooyinka iyo darawaladda oo si xowli ah ku ka xeeya gaadiidka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items