Akhri+Dhageyso: Dowladda Federaalka Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Shacabkii Ciidanka Mareykanka Ay Ku Xasuuqeen Sh/Hoose.

Saturday August 26, 2017 - 09:25:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri+Dhageyso: Dowladda Federaalka Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Shacabkii Ciidanka Mareykanka Ay Ku Xasuuqeen Sh/Hoose.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka ayay ku sheegatay Mas'uuliyadda weerarkii dadka shacabka ahaa lagu laayay ee ka dhacay duleedka deegaanka Bariire gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka ayay ku sheegatay Mas'uuliyadda weerarkii dadka shacabka ahaa lagu laayay ee ka dhacay duleedka deegaanka Bariire gobolka Sh/Hoose.


Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidamo katirsan Kumaandooska DF-ka iyo kuwa shisheeye ay weerareen beeraha Bariire ayna halkaas ku dileen dad Al Shabaab ah! sida ay hadalka u dhigtay.

Wasiirka Warfaafinta C/Raxmaan Yariisoow oo warsaxaafadeedka ku saxiixnaa ayaa si aan gabasha laheyn u sheegay in howlgalka dadka lagu laayay ay ciidamadooda gaarka ah iyo kuwa caddaan ah fuliyeen isagoo dadkii la laayay ku sheegay Al Shabaab!.


Dhinaca Kale wasiirka G/dhigga Cabdi Rashiid ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda VOA ku sheegay in ciidamadooda iyo kuwa Mareykanka ay weerar dad badan ku dhinteen ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Bariire.

"Ciidamada oo ku guda jiray howl galka, ayaa Rag hubeysan oo Soomaaliyeed laga codsaday inay hubka dhigaan ayaa diiday, qaabkaas ayay xabada ku bilaabayay, dadka meesha lagu dilay hubkooda waa la soo qaaday, su’aasha meesha taal waxa waaye rag sidaas hubeysan inay Al-Shabaab dhexdooda ku noolaadaan'ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Saacado kadib markii wasaaradaha G/dhigga iyo Warfaafinta ay ku faaneen xasuuqa shacabka oo ay cadaadis kala kulmeen kumanaan qof oo baraha bulshada isticmaala ayay si gaabis ah DF-ka u sheegtay in ay baarayso wixii ka dhacay Bariire!.

Halkan ka dhageyso Wasiirka G/dhigga oo xaqiijinaya in ciidamadoodu dad laayeen MP3

Hoos Ka Akhri Bayaankii Dowladda Federaalka ay ku sheegatay Xasuuqii shacabka
Image may contain: text

Related Items