Askari Mareykan Ah oo loo Badinayo in Uu Ku Dhintay Diyaarad Ku Burburtay Xeebaha Wadanka Yemen.

Saturday August 26, 2017 - 15:38:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Mareykan Ah oo loo Badinayo in Uu Ku Dhintay Diyaarad Ku Burburtay Xeebaha Wadanka Yemen.

    Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in diyaarad melleteri ay uga burburtay ciidanka Cirka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir tusaale ah diyaarad soo dhacday
Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in diyaarad melleteri ay uga burburtay ciidanka Cirka Mareykanka.


War kasoo baxay ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay in 5 kamid ah ciidamadooda lasoo badbaadiyay kadib markii diyaarad nuuceedu yahay Black Hawk ay ku dhacday meel 32KM ujirta xeebaha wadanka Yemen.

Col.John Thomas oo u hadlay Taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in hal askari lala'yahay balse wali ay socdaan baaritaannada lagu badbaadinayo askariga Maqan.


Dowladda Mareykanka ma sheegin sababta ay usoo dhacday diyaaraddan oo xiligaasi ku jirtay tababar ay siinaysay ciidamo qeyb ka ah xulufada loogu magac daray ladagaallanka Argagaxisada ee ka howlgala Koonfurta Yemen.

Saldhigyo qarsoodi ah oo dowladaha imaaraatka Carabta iyo Mareykanka ka sameysteen Koonfurta Yemen ayaa laga abaabulaan duullaanada ka dhanka ah Xoogaga Al Qaacidda ee Jaziiradda Carabta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items