Al-Shabaab oo Ka Tacsiyeeyay Gumaadkii Uu Mareykanku Ka Geystay Bariire (Dhageyso).

Saturday August 26, 2017 - 20:51:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Ka Tacsiyeeyay Gumaadkii Uu Mareykanku Ka Geystay Bariire (Dhageyso).

    Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay falkii gumaadka ahaa ee ay habeenkii Jimcaha Mareykanku ka geysteen degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose kuna gumaadeen ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan caruur yar yar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay falkii gumaadka ahaa ee ay habeenkii Jimcaha Mareykanku ka geysteen degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose kuna gumaadeen ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan caruur yar yar.


Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose Sh/Abuu Usaama oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa waxa uu ugu horreyn tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii ay Mareykanku gumaadeen iyo guud ahaan dadka muslimiinta ah ee ka xanuunsan dhacdadan foosha xun.

Tacsi kadib waxa uu Sheekhu ka dhawaajiyay in gumaadku shacabka Soomaaliyeed uu ahaa mid muddo sannado ah soo jiitamayay laakin waxa hadda cusub ay yihiin in lasii laba jibaaray iyo dowlad markii shacab la laayaba ku tilmaameysa in Al-Shabaab la laayay soona dhaweeneyso.



Sheekh Abuu Usaama wuxuu wax laga yaq-yaqsoodo ku tilmaamay wararkii dowladda kasoo baxay ee ku aadanaa qadiyaddan Bariire, gaar ahaan war-saxaafadeedkii Injineer Yariisow kasoo baxay ee lagu sheegayay in weerarkii Bariire lagu laayay rag Shabaab ah iyo sida ay taliyaashii war-saxaafadeedka ku jiray markii dambe u inkireen warka DF una sheegeen in dadka la gumaaday ay yihiin marras aan waxba galabsan, arrintanna waxay ku dhacday sida uu waaliga sheegay kadib markii dhacdadu qarsoomi weysay meydadkiina la geeyay magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii waxa uu mar kale u tacsiyeeyay ehelada dadkii sida gardarrada ah lagu dilay, wuxuuna guud ahaan ummada u dardaarmay in laga dhiidhiyo dhiigga dadka Muslimka Abriyada ah ee maalin walba sida uu kibirka iyo jees-jeeska ku dheehan yahay loo daadinayo, waxaana uu u mahad celiyay dhammaan dadkii arrintan ka dhiidhiyay islamarkaana dibad-baxyada ka dhigay duleedka Muqdisho.

Halkan Ka Degso Wareysiga Waaliga Shabeelaha Hoose Sh/Abu Usaama

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items