Xasan Cali Kheyre Oo Awaamir Duldhigay Golaha Wasiirrada Kadib Fadeexaddii Ka Raacday Weerarkii Bariire.

Sunday August 27, 2017 - 09:15:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xasan Cali Kheyre Oo Awaamir Duldhigay Golaha Wasiirrada Kadib Fadeexaddii Ka Raacday Weerarkii Bariire.

    Kadib kala hadal iyo isku dhax yaac dhan walba ah oo maalmihii lasoo dhaafay hareeyay madaxda dowladda Federaalka ayuu Xasan Cali Kheyre soo saaray amar ka dhan ah golaha wasiiradiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kala hadal iyo isku dhax yaac dhan walba ah oo maalmihii lasoo dhaafay hareeyay madaxda dowladda Federaalka ayuu Xasan Cali Kheyre soo saaray amar ka dhan ah golaha wasiiradiisa.


Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Kheyre ayaa lagu sheegay in wasiirada iyo kaaliyaasha maamulkiisa ku amray in warbaahinta aysan ka hadli karin iyadoo aan fasax laga heysan isaga.

Wasiirrada ayaa si gaar ah looga mamnuucay in ay warar ku faafiyaan baraha bulshada arrinkaas oo fadeexad aan kasoo waaqsi laheyn ka dhax abuuray madaxda dowladda Federaalka.


Sidoo kale waxa la faray Wasiirada in aanay ka hadli karin arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana loo baahan yahay in la isla ogyahay mowduuca ay ka hadlayaan ee quseeya Xukuumadda.

Amarka ayaa imaanaya kadib markii wasiirrada Gaashaandhigga iyo warfaafinta ay soo saareen warsaxaafadeedyo ay ku sheeganayaan Mas'uuliyadda xasuuqii ciidanka Mareykanka ka geysteen duleedka deegaanka Bariire Ee Sh/Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items