14 Askari Oo lagu Dilay Weerar Mas'uuliyaddiisa Ay Taliban Sheegatay Oo Ka Dhacay Wadanka Afghanistan.

Monday August 28, 2017 - 11:38:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    14 Askari Oo lagu Dilay Weerar Mas'uuliyaddiisa Ay Taliban Sheegatay Oo Ka Dhacay Wadanka Afghanistan.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar qarax oo lagu qaaday xarun dowladeed oo kutaal Koonfurta wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar qarax oo lagu qaaday xarun dowladeed oo kutaal Koonfurta wadanka Afghanistan.


Mas'uuliyiin katirsan xukuumadda Dabadhilifka Afghanistan ayaa sheegay in ugu yaraan 14 qof lagu dilay weerar naf-hurnimo oo shalay gelinkii dambe ka dhacay degmada Nawah ee gobolka Helmand Koonfurta Wadanka Afghanistan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ruux naftiis hure ah oo kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu weerar ka fuliyay isku imaatin ay ku sugnaayeen Askar iyo Saraakiil.


Xarakada Islaamiga Taliban ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, war qoraal ah oo Taliban ay ku faafisay baraha bulshada ayay ku sheegtay in weerar istish-haadi ah ay ku beegsatay isku imaatin ciidan islamarkaana khasaara lixaad leh ay ugeysatay dhinacyada cadawga ah.

Taliban ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka,  qaraxan ayaa qeyb ka ah silsilado weeraro ah oo ka dhacay Afghanistan maalmo yar kadib markii uu Trump iclaamiyay istiraatiijiyaddiisa cusub ee uu ku wajahayo dagaalka 16 sana Jirsaday ee Afghanistan ka socda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items