Warbixin: Dowladda Kenya Oo Mamnuucday isticmaalka iyo Ka Ganacsiga Bacda [Warbixin].

Monday August 28, 2017 - 20:32:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Dowladda Kenya Oo Mamnuucday isticmaalka iyo Ka Ganacsiga Bacda [Warbixin].

    Wadanka Kenya waxaa maanta si rasmi ah uga dhaqan galay go'aan ay dowladdu ku mamnuucday isticmaalka Bacaha qeybahooda kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Kenya waxaa maanta si rasmi ah uga dhaqan galay go'aan ay dowladdu ku mamnuucday isticmaalka Bacaha qeybahooda kala duwan.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dhammaan gobollada iyo magaalooyinka laga mamnuucay isticmaalka bacda iyo ka ganacsigeeda kadib markii la ogaaday in ay dhibaato ku tahay bad qabka faya dhowrka deegaanka.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in wasaaradda bay’ada iyo daaqa ay sameysay cilmi baaris dheer kadibna la ogaaday in bacdu halis ku tahay deegaanka sidaas daraadeed dhammaan muwaadiniinta Kenyaanka ah iyo dadka ajaanibta ah aysan wadanka soo gelin Karin bacda nuuc walba oo ay ahaato.


"Laga billaabo Isniintan 27 Augsta.2017 qofkii lagu helaa isaga oo iibinaya baco, soo saaraya ama wataba wuxuu mutaysan karaa ganaax lacageed oo dhan 38,000 oo doolar ama xabsi gaaraya ilaa afar sano” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Kenya.

Maxkamadda Sare ee wadanka Kenya ayaa jimicii lasoo dhaafay diiday in ay is hortaag ku sameyso go’aanka ay dowladdu ku mamnuucday adeegsiga bacda, warshadaha soo saara bacda ayaa sheegay in dad dhan 80,000 oo qof ay shaqa la’aan soo wajahi doonto haddii xukuumadda Kenya ku adkeysato mamnuucista Bacda.

Rugta ganacsatada Kenya ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in dadka Kenya ay maalin walba isticmaalaan in kabadan 24 milyan oo Bacood taas oo muujinaysa in bacda ay inta badan dadka Kenyaanka ah ku tiirsanaayeen balse khatarteeda ay sababtay in dalka oo dhan laga mamnuuco.

Bacda oo laga sameeyo maaddo Balaastiik ah ayaa naafeysa koriinshaha dhirta waxayna sababtaa aafooyin aan lagasoo waaqsan Karin oo soo gaara deegaanka,  xarakada Al Shabaab ayaa sanaddii 2011 sidaan oo kale gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya uga mamnuucday adeegsiga bacda arrinkaas oo ay soo dhaweeyeen xoola dhaqatada iyo beeralayda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items