15 Qof Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Gobolka Tana River Ee Wadanka Kenya.

Tuesday August 29, 2017 - 11:10:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    15 Qof Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Gobolka Tana River Ee Wadanka Kenya.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay shil baabuur oo ka dhacay deegaan hoos gobolka Tana River ee wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay shil baabuur oo ka dhacay deegaan hoos gobolka Tana River ee wadanka Kenya.

Ugu yaraan 15 qof shacab ah ayaa dhimatay tobaneeyo kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii laba gaari ay iskula dhaceen deegaanka Balgal oo katirsan gobolka Tana River sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka dhintay Afar qof oo kamid ah waa hooyo iyo sedax carruur ah oo ay dhashay, gaari bas ah oo ka yimid dhanka magaalada Nairobi ayaa ku dhacay gaari booyad ah oo ka amba baxay magaalada Gaarisa ee dhulka Soomaalida NFD Kenya gumeysato.


Gaariga Baska ah ee dadka rakaabka ah kasoo daabulay Nairobi ayaa wadada kabaxay wuxuuna ku dhacay gaari Booyad ah oo qudhiisa wadada ka baxay, saraakiisha Booliska ayaa sheegay in 11 qof ay si xun ugu dhaawacmeen shilkan waxaana loola cararay isbitaallo kuyaal magaalada Nairobi.

Shilalka ka dhashay rogmashada gaadiidka dadweynaha ayaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay waddooyinka isku xira magaalooyinka waaweyn ee wadanka Kenya, balse shilkan ayaa ah midkii ugu khasaaraha badnaa ee bishan Augst ka dhaca wadada xiriirisa Gaarisa iyo Nairobi.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items