Cali Cosoble "Jowhar waa la qabsaday Hadda Kadib HirShabelle Waxay ku shaqeynaysaa Magaalada Beledweyne".

Tuesday August 29, 2017 - 21:58:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Cosoble "Jowhar waa la qabsaday Hadda Kadib HirShabelle Waxay ku shaqeynaysaa Magaalada Beledweyne".

    Kadib socdaal uu maanta ku tagay magaalada Beled Weyne ayuu Cali Cabdullaahi Cosoble Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle ku sheegay in caasimadda maamulkiisa laga bedelay magaalada Jowhar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib socdaal uu maanta ku tagay magaalada Beled Weyne ayuu Cali Cabdullaahi Cosoble Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle ku sheegay in caasimadda maamulkiisa laga bedelay magaalada Jowhar.

Cosoble oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Beled Weyne ayaa shaaciyay in magaalada Jowhar la qabsaday islamarkaana aysan aheyn caasimadda Hirshabelle wuxuuna eedeyn kulul ujeediyay Hoggaanka DF-ka.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa si faah faahsan u sheegay in qorshayaal dhagar ah maamulkiisa loogasoo maleegay magaalada Muqdisho taasi oo isaga iyo xubnaha golihiisa wasiirrada ku qasabtay in ay dhanka Beled Weyne uguuraan.


"Jowhar waxaa qabsaday dowladda dhexe hadda kadib maamulka HirShabelle wuxuu ku shaqeyn doonaa magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan” ayuu yiri Cosoble.

Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle ayaa si isku mid ah eedeyn ugu jeediyay Hoggaanka DF-ka wuxuuna si gaar ah u sheegay in Xasan Cali Kheyre uu lacago laaluush ah ku bixiyay mooshinkii fowdada ahaa ee baarlamaanka Hirshaballe ay isaga xilka uga qaadeen.

" Waa cadaalad darro in Jowhar Maamul lagu dhiso,waxaana ka xumahay in Madaxweyne Farmaajo oo aan hore u aaminsanaa in uusan dan iyo heelo kalahayn dalka.”ayuu yiri Cali Cabdulaahi Cosoble.

Warkan kasoo baxay Cosoble ayaa imaanaya xilli xildhibaano ku sugan magaalada Jowhar ay abaabulayaan doorasho madaxweyne iyagoo taageero dhan walba ah ka helaya Golaha wasiirada DF-ka.

Siyaasiyiin ku sugan Beled Weyne ayaa sheegaya in Cosoble uu taageero ka heysto ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya islamarkaana uu qorshaynayo in gobolka Hiiraan uusan kamid noqon dowlad ku sheega HirShabelle loogu magac daray.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items