Dowladda Mareykanka Oo Xaqiijisay in Ciidamadeedu Ay Ka Qeyb qaateen Xasuuqii Shacabka Ee Deegaanka Bariire.

Thursday August 31, 2017 - 08:46:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka Oo Xaqiijisay in Ciidamadeedu Ay Ka Qeyb qaateen Xasuuqii Shacabka Ee Deegaanka Bariire.

    Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb qaateen weerarkii dadka shacabka ah lagu laayay ee Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb qaateen weerarkii dadka shacabka ah lagu laayay ee Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose Koonfurta Soomaaliya.



Saraakiil katirsan AFRICOM ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ciidamadooda lasiiyay macluumaad khalad ah oo ku aaddan in goobta la weeraray ay ku sugnaayeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Al Shabaab.

Weerar Fashilmay oo ciidamo Mareykan ah bilo ka hor ka fuliyeen deegaanka Daarusalaam ee isla sh.hoose ayaa hal askari looga dilay ciidamada loo yaqaan Navy Seal.

Dowladda Mareykanka ayaa kooxda Farmaajo ku eedeysay in ay siisay macluumaad aan sax aheyn oo ku aaddan halka ay ka dhacayaan weerarada waxayna Mareykanku sheegayaan in macluumaadka ay ka helaan saraakiisha Soomaalida ay yihiin kuwa ka khaladaad badan howlgallada ka dhaca Ciraaq iyo Suuriya.



Meydadka 10 qof shacab ah oo ciidamada Mareykanka xasuuqeen ayaan wali la aasin iyadoona madaxda dowladda Federaalka ay siyaaba is khilaafsan uga hadleen, wasiirrada warfaafinta iyo G/dhigga ayaa ku faanay xasuuqii Bariire balse waxaa ka daba hadlay Jeneraal Cirfiid Taliyaha ciidanka DF-ka oo wax laga xumaado ku tilmaamay in rag mas’uuliyiin ah ay ku faanaan xasuuqa shacabka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items