Xasan Cali Kheyre "Abuu Mansuur Arrimaha Amniga Ayuu Ka Caawin Doonaa Dowladda Soomaaliya" Dhageyso.

Thursday August 31, 2017 - 10:17:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Xasan Cali Kheyre "Abuu Mansuur Arrimaha Amniga Ayuu Ka Caawin Doonaa Dowladda Soomaaliya" Dhageyso.

    Ninka labaad ee ugu sarreeya dowladda Federaalka ayaa sheegay in wadahadallo meel wanaagsan maraya ay kula Jiraan Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo isbuucyo ka hor isku dhiibay ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Xudur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninka labaad ee ugu sarreeya dowladda Federaalka ayaa sheegay in wadahadallo meel wanaagsan maraya ay kula Jiraan Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo isbuucyo ka hor isku dhiibay ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Xudur.



Xasan Cali Kheyre oo ah R/wasaaraha DF-ka ayaa wariyaasha ugu sheegay magaalada Muqdisho in Abuu Mansuur ay ka munaaqashoonayaan ka shaqeynta amniga iyo danaha dowladda Federaalka sida uu hadalka u dhigay.

" Rooboow wuxuu joogaa Xamar ciidamo soomaaliyeed ayaa gacantooda kusoo waday, iyagaa keenay oo diyaarad soo saaray waxaan rabaa in aad ogaataan in dad soomaaliyeed diyaarad kusoo qaadeen” ayuu yiri Kheyre.


R/wasaaraha DF-ka ayaa ka shanqriyay in Abuu Mansuur uu yahay nin xur ah islamarkaana uu ka qeyb qaadan doono arrimaha ammaanka oo uu ula jeedo ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

"waa in aan ka Fikirnaa sidee baan Abuu Mansuur uga faa’iideysan karnaa Mustaqbalka, waxaan rabnaa in aan ogaano khibradda uu leeyahay, marxaladda uu soomaray iyo xaaladd ay ku suganyihiin qoladii uu kasoo baxay iyo xaaladda hadda ay taaganyihiin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kheyre.

Warka kasoo baxay DF-ka ayaa laga dhadhansanayay in uu jiro dadaal lagu doonayo in Abuu Mansuur looga qeyb geliyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ciidamada Shisheeye uga jiraan gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Kheyre oo arrinta Abuu Mansuur ka hadlaya MP3

Dhinaca kale Xildhibaano katirsan DF-ka oo kasoo Jeeda gobollada Bay iyo Bakool ayaa magaalada Muqdisho ka sheegay in ay kulamo la qaateen Abuu Mansuur uuna ka codsaday in DF-ka ay utixgeliso codsigiisi ah in loo madax baneeyo dagaal uu lagalo Xarakada Al Shabaab oo aan maleeshiyaadkiisa lagu darin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa xusid mudan in illaa iyo Hadda Abuu Mansuur uusan sooma bandhigin Masiirkiisa siyaasadeed marka lagasoo tago warka kasoo baxaya Xildhibaanada iyo R/wasaaraha   balse warbaahinta ayuu u sheegay in dhanka Nabadda uu kala shaqeyn doono DF-ka.

Related Items